16 Feb 2023

G.Gardaful -degmoyinkiisa-15-FEBRUARY-2023:waxaa safar shaqo & boqasho ku tagay madaxwaynaha dowladda puntland Safar Madaxweynaha waxaa ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Dowladda Puntland Mudane Cabdalla Cali Xaashaawe iyo Masuuliyiin kale oo galayaasha Dowladda ka tirsan .

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Gobolka Gardafuu ayaa booqday marsada dabiiciga ah ee deegaanka Boolimoog, oo ah marso la adeegsan jiray xili hore taasi oo qorshuhu yahay in dayactir lagu sameeyo si dhowaan ay u noqoto meel laga faaidsato oo ay ka faaidaan dadka reer Puntland.Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee deegaanka Boolimoog iyo xarumaha taariikhiga ah ee halkaasi ku yaalla.Sidoo kale Madaxweynaha ayaa booqday deegaanka Geesalay ee caanka ku ah Timirta, halkaasi oo siweyn loogu soo dhoweeyay, Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay dadka deegaanka, wuxuuna Bulshada deegaanka Geesalay ku booriyay inay horumariyaan dadaalkooda wax soo saarka beeraha gaar ahaan Timirta.Safar Madaxweynaha waxaa ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Dowladda Puntland Mudane Cabdalla Cali Xaashaawe iyo Masuuliyiin kale oo galayaasha Dowladda ka tirsan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *