BOOSAASO-Wasiirka Ganacsiga Dowladda Puntland Mudane Axmed Shire Siciid oo ay weheliyaan Gudoomiyaha ku-xigeenka rugta ganacsiga Puntland Maxamed waaberi iyo isuduwaha wasaarada ee gobolka Mohamed Cali Yusuf ayaa kulan is xog wareysi ah la yeeshay qaar ka mid ah Ganacsatada Magaalada Bosaaso.Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta ganacsatada iyo Wasaarada iyadoo la iska kaashanayo xiriirka wada shaqaynta adkeynta bixinta canshuuraha ku waajibay ganacsatada, kor u qaadida ganacsiga Puntland , dhamaystirka caqabadaha iyo khilaafaadka ka dhex jira ganacsatada.Sido kale Wasiir Axmed Shire ayaana warbixinka ka siiyay ganacstada xeerka sumada ganacsiga iyo wax ka bedelka shatiyada ganacsiga Puntland.
