Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga DPL oo Shir gudoomiyey Shir looga Hadlaayey Horumarinta iyo Kor u Qaadida Dakhliga Dawlada Puntland oo ay iska kaa Shanayaan Wasaarada Ganacsiga iyo Wasaarada Maaliyadda Dowladda Puntland, Kulanka intii uu socday Waxaa la isku dhaafsaday Fursadaha lagu Horumarin karo korna loogu Qaadi karo Dakhliga.Shirkan Waxaa Goob joog u ahaa Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga, Wasiirku Xigeenka Wasaarada Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Agaasime ku Xigeenka Dakhliga Wasaarada Maaliyadda, Agaasime Waaxeedyo iyo Masuuliyiin kale oo ka kale Socday Wasaarada Ganacsiga iyo Maaliyadda Dowladda Puntland.





