11 Jul 2024

Wasiirka Ganacsiga Dowladda Puntland oo kormeeray Dekedda Magaalada Bosaaso

Wasiirka Ganacsiga Dowladda Puntland Axmed Shire Siciid ayaa kormeeray Dekedda Magaalada Bosaaso isagoona soo indha indheeyaya ganacsiyada kala duwan ee ka dagaaya iyo kuwa ka dhoofayaa dekedda waxaana halkaas kusoo dhoweeyaya isuduwaha wasaarada ee gobolka bari Mohamed Cali Yusuf iyo Maamule ku-xigeenka Furdada Bosaaso Cabdulaahi Maxamed Taliye ku-xigeenka dekedda Ganacsato iyo masuuliyiinka kale.Wasiirka ayaana warbixin ku sabsaan howlaha shaqo ee ka socda dekedda ka dhagaystay Masuuliyiinta, isagoona soo kormeeray qaybta cusub ee lagu kordhiyaya dekedda, taas oo ay kusoo xirtaan Maraakiibta waaweyn. Sidoo kale Wasiir Axmed Shire ayaa dhameeyay buuq ka dhex jiray ganacsatada lasoo degta noocyada Sharaabyada kuwaas oo isku haystay nooc ka mid ah sharaabyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *