01 Aug 2024

Dib udayactirka Wasaaradda Ganacsiga Garowe

Garoowe, 01 Aug 2024- Madaxda Dawladda Puntland waxaa ka go’an in guud ahaan hay’adaha kala duwan ee Dawladdu ku shaqeeyaan xarumo ay leeyihiin, taasoo wax badan ka tareysa habsami u socodka hawlaha baaxadda leh ee dawladdu u xilsaaran tahay.Sidoo kale, mas’uuliyiinta kala duwan ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga Dawladda Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiir Axmed Shire Siciid waxa ay dedaal naf-hur ah geliyeen, sidii Wasaaraddu u heli laheyd dhisme ay leedahay oo ku habboon gudashada hawlaha mugga iyo miisaanka leh ee Wasaaraddu u idman tahay.Waxaa xusid mudan; in ka badan 5 sano in Wasaaraddu ku shaqeyn jirtay guri ijaar/kiro ah, kaasoo aad uga durugsan degaanka hay’adaha kale ee dowladdu ku shaqeeyaan, marar badanna ay caqabad ku noqon jirtay ganacsatada iyo dadweynaha kale inay si fudud u soo helaan xarunta Wasaaraddu ku hawl-gasho.Waxaa sharaf weyn ah, in maantay 01 August 2024 oo ah maalin weyn oo milgo iyo maamuus ku leh guud ahaan shacab weynaha Puntland in Wasaaraddu ay yeelatay dhisme cusub oo ay leedahay, waxaana si rasmi ah xarigga uga jaray Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor.Ugu dambeyn, Shaqaale weynaha Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga DPL waxa ay aad u soo dhoweeyeen in la helay dhisme ku habboon u adeegista dadweynaha Puntland iyo ka miro dhalinta hadafyada Wasaaradda u degsan oo awal caqabadda jirtaa aheyd in Waaxyaha qaarkood aanay laheyn xafiisyo ay si rasmi ah ugu shaqeeyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *