GAROWE-31-JANUARY-2023: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Dowladda Puntland Mudane Cabdalla Cali Mohamed Xaashaawe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay Hayβadda GIZ oo hoggaaminasay madaxa mashruuca beeraha iyo tayo-dhawrka ee Somalia Gabriel Maria.
Wasiirka ayaa sharaxaad ka siiyay shaqooyinka hor tabinta leh oo loo baahan yahay Hayβadda iyo Wasaaraddu inay si toos ah uga wada shaqeeyaan sida Tayo-dhawrka halkii meelo kale loo marsiin lahaa.
Masuuliyiinta ayaa bogaadiyay Tayo-dhawrka Puntland oo ah maamulka kaliya ee haysta Shaybaarka wax baara.
Ugu dambayntii Wasiirka iyo Hayβadda ayaa isku afgartay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo ka wada shaqaynta tayo-dhawrka baddeecadaha Puntland.



